(August 22,2016) Madaxwaynaha Mamulka Puntland Oo Gaalkacayo Ku Wajahan Iyo Dadkii Ku Dhaawacmay Qaryaxyada Oo Itoobiya Loo Qaadayo.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in tirada dadkii ku dhintay Qaraxyadii mataanaha ahaa ee shalay dhacay ay kordheen, iyadoo ay jiraan dad dhaawacyadooda ay culus yihiin.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegaya in tirada ku dhaawacantay qaraxyadaas ay gaarayaan illaa 50 ruux, kuwaasoo badankood ay xaaladooda aad u liidato.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada kuwa ugu daran ee wax looga qaban waayay isbitaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa in loo qaado dalka Itoobiya.

Ciidamada ammaanka ayaa howl gallo ka wada magaalada, iyadoo xalay bandaw ku soo rogay, waxaana socda baadigoob loogu jiro dadkii soo abaabulay qaraxyadaas oo saraakiisha ay aaminsan yihiin inay gudaha Gaalkacyo ku sugan yihiin.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa saaka ku wajahan magaalada Gaalkacyo, isagoo ka soo kicitimi doona magaalada Addis Ababa oo uu maalmahan ku sugnaa.

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyadii Gaalkacyo ka dhacay maalinimadii shalay, kaasoo ahaa kii ugu xumaa ee soo mara.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarada qaraxyada ahaa, waxaana ay sheegeen inay ku dileen askar iyo saraakiil ka tirsan Puntland.