(August 22,2016) Tartanka Ciyaaraha Olimbikada oo xalay lagu soo gaba gabeeyay Brazil (Sawiro)

Waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Rio De Janeiro Tartanka Ciyaaraha Olimbikada Adduunka oo socday muddo 16 maalmood, iyadoo munaasabad heer sare aheyd ay ka dhacday garoonka Maracana Stadium.

Tartamadii kala duwanaa ee dhacay ayaa ahaa kuwo la geliyay diiwaanka taariikhda Ciyaaraha Olimbikada.

Mareykanka ayaa noqday dalka ugu badan ee ku guuleystay biladaha, waxaana uu helay isku darka 121 46 ka mid ah ayaa ah Dahab, Dalka Britain ayaa noqday dalka labaad ee ugu biladaha badan, waxaana uu helay 67 biladood oo

Sidoo kale Shiinaha ayaa kaalinta saddexaad galay waxaana uu helay 67 biladood, 27 ka mid ah ayaa ah Dahab.

Munaasabadii xalay ka dhacday garoonka Maracana ayaa waxaa ka soo muuqday Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe oo dalkiisa lagu qabanayo Tartanka ciyaaraha Olimbikada sanadka 2020.

Tartanka Ciyaaraha Olimbikada ee Brazil lagu soo gaba gabeeyay ayaa lagu xusuusan doonaa taariikh ay dhigeen orodyahanada kala ah Usain Bolt iyo Mo Farah oo ku guuleystay bilado dahab ah tartanada orodka.

rio1rio2rio4rio5rio6rio7rio8