(August 22,2016)Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry iyo Kenyatta oo ka shiraya Suudaanta Koofureed

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa maanta magaalada Nairobi wadahadal kula yeelan doona madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madax ka tirsan dawladda waddankaas. Arrimaha ay isla soo qaadi doonaan ayaa loo badinayaa inay la xiriiraan ammaanka gobolka iyo qorshayaasha la dagaallanka argagixisada.

 Kerry waxaa lagu wadaa in uu Kenyatta kala hadlo taageerada Somaaliya ee xilligan kala guurka siyaasadeed uu jiro, iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxaa kale oo ay ka wada hadli doonaan dib u billaabidda hanaanka siyaasadeed ee Suudaanta Koofureed, Kerry wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka deriska la ah Koofurta Suudaan.

 Dhibaatooyin bini’aadamnimo ayaa kataagan Koofurta Suudan, iyadoo in kabadan hal milyan oo qof ay ka qexeen guryahooda.

Dagaalka oo bilowday bishii December ee sanadkii 2013-kii, ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen boqollaal qof, wuxuuna hadda isu badalay mid qabiileed.