(August 23,2016) Ruushka oo dhaliilay go’aankii lagaga mamnuucay ciyaaraha dadka lixaadka la’ ee Rio

Ruushka, ayaa si caro leh uga jawaabtay go’aanka maxkamadda caalamiga ah ay ku laashay racfaankii Ruushku ka qaateen go’aanka ciyaaryahanadooda u diidaya inay ka qayb qaataan ciyaaraha dadka lixaadkoodu dhiman yahay ee bisha dambe lagu qabanayo magaalada Rio ee dalka Brazil, taasi oo sal looga dhigayo xanibadii gudiga IPC.

Ra’iisal wasaaraha Ruushka Dmitry Medvedev, ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid dad gaar ah dani ugu jirto, isla markaana uu dharbaaxo ku yahay dadka lixaadka la’a oo idil.

Wasiirka ciyaaraha Ruushka ayaa isaguna wuxuu ku sifeeyey go’aankaasi in uu yahay mid aan laga eegin dhankii sharciga uuna yahay mid siysaasadeysan.

Ruushka ayaan soo gudbin wax cadaymo ah oo ay ku burinayaan eedihii loo jeediyey.

Ciyaaryahanada lixaadka la’a ee Ruushka ayaa si caro huwan iyaguna uga hadleen go’aanka u diidaya inay ka baratamaan ciyaaraha Rio, waxaana mid ka mid ah oo hadley uu ku sifeeyey go’aankaasi waji gabax ah oo u dhigma in dhabarka laga toogtay.

Hay’adda WADA ee ka hortaga in ciyaaryahanada adeegsada daawooyinka awooda kordhiya, ayaa heshay cadaymo muujinaya in dawlada Ruushku ka warhaysay in si baahsan loogu isticmaalo daawooyinkaasi qaybaha ciyaaraha oo ay ka mid yihiin ciyaarahanadda lixaadka la’a.