(August 24,2016) Weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Guriga ay deganaayeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar bambaano oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay fiidkii lagu qaaday Guri ku yaal degmada Xamar weyne oo ay deganaayeen Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin.

Sida ay sheegayaan wararka Guriga ayaa waxaa degenaa Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo dhowr Xildhibaano ah, waxaana lagu weeraray labo bam gacmeed.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Xamar weyne G/Dhexe C/qaadir Axmed Shire ayaa sheegay in hal qof oo rayid ah uu ku dhintay bam gacmeedka, halka saddex kale oo aheyd ilaalada Wasiirka ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu sheegay in illaa afar ruux oo looga shakisan yahay inay bam gacmeedka tuureen ay gacanta ku soo dhigeen, isla markaana ay wadaan baaritaan.

“Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, saddex askar waa ku dhaawacmeen, howl gal baa socda, waxaa guriga bambaanada looga tuuray meel luuq oo mugdi ah, baaris ayaa socota, afar qof oo meesha ka ag dhowaa ayaa loo hayaa”ayuu yiri Taliyaha Booliska Xamar weyne.

Weerarka bambaano kadib ayaa la maqlayay rasaas ay ku jawaabeen Ilaalada Guriga ku sugnaa, lama oga in guriga joogeen iyo in kale Wasiiru dowlaha iyo Xildhibaanada.