(August 26,2016) Mucaaradka iyo Dawladda Suuriya oo ku heshiiyey in laga baxo Daraya

Muddo dhowr sano ah oo weerar ba`ani uu ka socday Magaalada Daraya,oo dhowr Kilomitir u jirta caasimada dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa waxaa ay caan ku aheyd dibad-baxyada iyo xasuuq ay xoogagga dowlada ka geysten sanadkii 2012.

Magaaladaas ayaa go`doonsanayd ilaa iyo intii dagaallada ay ka socdeen gudaha waddanka Suuriya, waxaana Madaxweyne Bashaar Al-asad uu isku dayayay in uu cagta mariyo dhamaanba degaannada ay maamulaaan mucaaradka ee ku teedsan Caasimadda wadankaasi Dimishiq.

Dadka ku nool magaaladaas ayaa waxaa soo wajahay Cunno yari ka dib markii dowladda ay diidday in wax gargaar ah la geeyo Magaaladaasi Daraya oo hay’adaha samafalka bishii aynu soo dhaafnay ay isku dayeen in markii ugu horeysay ay gar-gaar geyaan Magaaladaasi.

Sida ku cad heshiiskan oo laga baahiyay warbaahinta dowlaada Suuryia ayaa waxaa lagu sheegay in 700 oo dagalyahanno ah, kana tirsan xoogagga mucaaradka iyo 4,000 oo rayid ah loo ogolaaday in ay isaga baxaan Magaalada, ayadoo Ciidamada dawladda Suuriya ay bilaabeen in ay gudaha u soo galaan magaalada Daraya.

Heshiiskan ayaa waxaa uu la mid yahay heshiisyo hore oo ay dowlada Suuriya horay ugu guuleysatay in ay kula wareegto gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah, iyadoo wiiqday Mucaaradka, taasoo u muuqata mid dhabar jab ku ah mucaaradka iyo kacdoonkii ka dhanka ahaa Bashaar Al-Asad.