(August 27,2016) C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa walaac ka muujiyay in xilligan Bankiga Dhexe laga qaato lacag dhan nus milyan doolar ah, iyadoo dhowaan dalka ay ka dhici doonaan doorashooyin Baarlamaan iyo mida Madaxweynaha.

Mr Warsame ayaa ku tilmaamay Halis Qaran in Bankiga Dhexe la dhaco, isla markaana dooral been abuur ah la soo geliyo, isagoo ku baaqay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

” Waa Halis Qaran in Bangigii Dhexe la dhaco doolar been abuur ahna la soo geliyo, waxaan dalbanaynaa in lagu sameeyo baaritaan madaxbanaan oo ku aadan qadarka lacagta, waxa ku soo beegay xiliga doorashadda, ku lug lahaanshaha madaxda Dawladda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur bartiisa.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Guddoomyihii hore ee Bankiga Dhexe Yusur Abraar ay isku casishay cadaadis uga yimid Ganacsato ku dhow Madaxtooyada, si ay u saxiixdo heshiisyo daneysi gaar ah ku jiro, kaasoo ka fog danta Qaranka.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise ayaa khamiistii sheegay in lacag dhan $530,000 laga xaday Bankiga Dhexe, isla markaana uu qaatay Khasnajigii Bankiga, kaasoo la sheegay inuu goostay.

Ninka Khasnajiga ee xaday lacagta ayaa lagu magacaabaa Muhyadin Mohamed Hassan oo loo yaqaano Sanguuni, waxaana jira tuhuno laga qabo in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku lug leeyihiin xatooyada lacageed ee ka dhacday Bankiga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee arrintan oo wali ay taagan tahay hadal heynteeda ayaysan jirin war faah faahsan oo dowladda ka soo saartay, mana jirto illaa iyo hada tallaabo la qaaday, marka laga reebo inay jiraan dad u xiran falkaas, inkastoo aan wali la shaacin.