(August 27,2016) Daacish oo soo Bandhigtay Muuqaal dad badan argagax ku abuuray – SAWIRO

Kooxda Daacish ee ku xoogan qeybo kamid ah Dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa soo bandhigtay muuqaal dad badan ka argaxeen , kadib markii ay Baahiyeen caruur aad u yar yar oo madaxa ka tooganaya Maxaabiis Kurdiyiin ah.

Shan Caruur ah oo katirsan Kooxda Daacish kana soo kala jeeda wadamo kala duwan uu ku jiro dalka Britain ayaa Madaxa Biskoolado ay heestaan waxa ay uga toogaayaan shan Maxbuus oo kasoo jeeda Kooxda Kurdiyiinta ee dagaalka kula jirta Daacish.

Cauurtan toogashada geesanaya ayaa kasoo kala jeeda dalalka Britain, Masar, Turkey, Tunisa iyo Uzbekistan, waxaana la rumeesan yahay in caruurtan la tababaray in ay dhaleen waalidiin iyagana xubno ka ah Kooxdaasi .

Mid kamid ah Caruurtan toogashada fulinaya ayaa kasoo jeeda dalka Britain waxaana magaciia Howlgalka Daacish lagu sheegay Abuu Abdullaahi Al-Biritaan, wiilkan ayaana da’diisa lagu qiyaasay 12-sano jir.

Muuqaalkan cusub ay soo bandhigtay Kooxda Daacish ayaa argagax badan ku abuuray dadyowga caalamka, waxa ayna Kooxdan sidan oo kale horey ugu soo bandhigtay caruur kale oo iyana dad maxaabiis ah tooganaya.



Xafiiska Shabakada Allbanaadir