(August 27,2016) Masar oo xoojineysa wada shaqeynta dhinaca amaanka ee ay la leedahay Soomaaliya

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada amniga iyo sidoo kale xasilinta Soomaaliya.

Masar waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay ka kala shaqeyn doono sidii looga hortagi lahaa weerarada ay geystaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Masar ayaa sheegtay in dowladda Masar ay ka xuntahay weerarada ay Al-Shabaab geystaan ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoojinayso taageerada dhanka amniga ee ay siiso dowladda Soomaaliya.

Masar waxa ay sheegtay in ay ka shaqeyn doono sidii nabad iyo amniga ay ku nool lahaayeen dadka Soomaaliyeed.