(August 27,2016) Natiijooyinkii ciyaarihii Primeir League, Man United oo guul dirqi gaartay, Chelsea, Arsenal iyo Leicester oo badiyay – VIDEO

Waxaa la ciyaaray kulamadii 3aad ee Horyaalka Primeir League, iyadoo kooxda Manchester United iyo Chelsea ay hoggaanka u hayaan horyaalka, kadib markii ay badiyeen kulamadoodii 3aad oo isku xiga.

Kooxda Chelsea ayaa guul dhib yar ah ka gaartay kooxda Burnley, iyadoo ku suul daartay 3-0, Chelsea ayaa waxaa goolasha u dhaliyay ciyaaryahanada Hazard, Willian iyo Moses oo bedel ku soo galay qeybta labaad.

Guushan ayaa ka dhigan in Tababare Antonio Conte uu gaaray guushiisa 3aad oo isku xigta, isagoo farqiga goolasha ku hoggaaminaya.

Kooxda Manchester United oo sanadka xidigo cusub keensatay, isla markaana bixisay lacagtii ugu badneyd abid lagu iibsado ciyaartoy, ayaa guul dirqi ah oo soo daahday waxay ka gaartay kooxda HullaCity

Man United oo mart u aheyd kooxda Hull City ayaa ilaa dhamaadkii ciyaarta waxay dagaal ugu jirtay inay hesho gool, waxaana ugu dambeyn dhamaadkii ciyaarta goolka dhaliyay ciyaaryahan Rashford oo bedel ku soo galay.

Tababare Mourinho ayaa ka fuqday, maadaama guushii 3aad uu gaaray horyaalka Primeir League, isagoo doonaya inuu u qaado kooxda horyaalka.

Kooxda Arsenal ayaa gaartay guusheedii u horeysay ee Horyaalka, kadib markii natiijooyin xumo ku bilaabatay bilowgii hore ee Horyaalka, waxaa ay 3-1 uga badisay Kooxda Watford.

Goolasha ay ku badisay Arsenal oo dhashay qeybtii hore ayaa waxaa u kala dhaliyay Cazorla, Ozil iyo Sanchez, hase ahaatee goolka qura ee Watford oo dhashay qeybta labaad waxaa dhaliyay ciyaaryahan Ighalo.

Sidoo kale Kooxda Leicester City oo difaacaneysa Horyaalka ayaa iyana gaartay guusheedii u horeysay, kadib markii ay 2-1 uga badisay Kooxda Swansea City. Leicester ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay Vardy iyo Morgan.

Ciyaartii ugu xiisaha badneyd ayaa aheyd tii maanta duhurkii dhex martay kooxaha Liverpool iyo Tottenham, waxaana ay ku kala baxeen 1-1 bar bar dhac.

united united2 arsen arsen1 arsen2 arsenal chel chelsea united3