(August 27,2016) Warar Dheeraada Oo Kasoo Baxaya Kulankii Maamulka Hargeysa Ee Wasiirada Iyo Masuuliyiinta Reer Awdal Loogu Yeedhay Iyo Bahdilaad Ay Kala Kulmeen

Waxaa shalay Madaxtooyada Somaliland ka dhacay kulan lagu gorfeeyay sidii diiwaangalin looga bilaabi lahaa 6 goobood oo ku yaala Lughaya,Goobahaasi oo wax codbixin ahi ka dhicin dhamaan doorashooyinkii soo maray Somaliland.

Wasiirada Madaxtooyada Maxamud Xaashi,Wasiirada Maaliyada Zamzam  Iyo Wasiirka Amniga oo dhamaan kasoo jeeda beesha dhexe ayaa madaxtooyada iskugu yeedhay wasiiro iyo masuuliyiin reer Awdal ah oo ka tirsan xukuumada Siilaanyo.

Wasiirada reer Awdal ayaa la waydiiyay sida ay u arkaan in diiwaangalin la geeyo goobahaasi,ayaa waxaa jawaab ka bixiyay wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Dheere oo sheegay in goobahaasi sidooda loodaayo waxna lagaynin dadkaasina horayba Awdal iyo Saaxil iskga diiwaangaliyeen codaynayaana.

Wasiirka Golayaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriir ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhulkaasi diiwaangalin lageeyo isla markaana waxba laga dhagaysan dadka diidan diiwaangalinta deegaankaasi,Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Jenaral xudhuun ayaa hadal qaatay sheegayna in dhib kasoo korodha mooyaane waxba soo kordhin doonin in si cidhiidhi ah diiwaangalin lagu geeyo dhulkaasi oo la,isku haysto,Wasiir Cali Xaamud ayaa hadalka ka dhexgalay oo sheegay in lagaynayo,Janaral Xudhuun iyo Cali Xaamud ayuu hadalku ka taagtaagmay.waxaana dhamaan masuuliyiintii Reer Awdal isku raaceen inaan deegaankaasi lagayn karin waxdiiwaangalin ah marka laga reebo Mudane Wasiir Cali Xaamud Jibriir oo taageersanaa in la geeyo deegaankaasi diiwaangalinta.

Waxaa hadalka qaatay wasiirka Madaxtooyada oo sheegay in deegaankaasi muhiim u yahay xisbiga Kulmiye oo codkooga la rajaynayo inay siiyaan Musharaxa Muuse Biixi,sheegayna in la gaynayo diiwaangalinta muhiimna tahay in aad nala qaadataan.

Waxaa hadalka qaatay wasiirada Maaliyada Samsam oo beesheedu deegaankaasi sheegato,waxayna markaliya sheegtay in dawladu ay go,aan gaadhay isla markaana bisha soo socota diiwaangalinta laga bilaabayo deegaankaasi,go,aankuna iska cad yahay dadkiina ku noqda u sheega in dawladu amar ku meelmarisay haddii ay diidaan iyo haddii ay doonaanba.

Masuul fadhigaasi fadhiyay ayaa Boramanews u xaqiijiyay warkaasi wuxuuna sheegay in meesha waxa fadhiyay dhamaan ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wasiirada iyo golayaasha wakiilada ,meesha ma fadhiyin madaxwayne Iyo Madaxwayne ku xigeen balse waxa kulankaasi ka muuqday wasiiro awood beeleed ku maamulaya dalka waxayan haweenaydaasi nagusoo rogtay amar madaxwayne mana joogin Siilaanyo goobtaasi Siilaanyo ama ku xigeenkiisii.

Masuulkani ayaa sheegay in qorshahani uu ku jiro Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo gacanyarihiisa Cali Xaamud Jibriir u wakiishay isaguna Dubai tagay amrayna marka uu baxo in goobahaasi diiwaangalin lagu soo rogo.

Masuul shirkaasi ka qaybgalay  Oo Boramanews waydiisay waxa kulankaasi uga soo baxay ayaa sheegay in Siilaanyo isago bil haysta Xukunka Somaliland  weeraray Kalshaale si dhulbalaadhsi beeshiisa ugu sameeyo dagaalkii wuxuu dhalay SSC Iyo Khaatumo maantana waakaasi baryootamaya,ee Dhulbahante lugaha haysta,Muuse Biixina isagoo musharaxa ayay beeshiisu durbaba bilowday inay khariirad cusub samayso,waxaan shacabkayga usheegi lahaa inay dhulkooga difaacdaan oo iska diidaan siyaasiyiin dano gaar ah leh oo lacago dhulkooga siisanaya,sidoo kalena Muuse Biixi ka fiirsadaan oo marnaba codkooga siinin.

Source: Boramanews