(August 28,2016) USA: Cabdimalik oo ahaa Murashax Xisbiga Jamhuuriga oo isaga haray Tartanka Minnesota – VIDEO

Cabdimalik Askar oo ahaa murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee u tartamayey xildhibaanimada Baarlamaanka Minnesota isla markaana loolan kula jiray Murashaxada Xisbiga Dimuquraadiga ee Ilhan Cumar ayaa shaaciyey inuu tartanka isaga haray.

Murashaxan Soomaaliga ah ayaa doonayey inuu u matalo xisbiga Jamhuuriga Maraykanka doorashada Baarlamaanka Minnesota gaar ahaan kursiga xaafada 60B oo ay Soomaalida ku badan tahay, kursigaasi oo ay sidoo kale u tartameyso Murashaxada Ilhan Cumar oo iyadu horaantii bishan ku guuleysatay inay noqoto murashaxa rasmiga ah ee Xisbiga Dimuquraadiga.

Kursiga xaafada 60B ee Baarlamaanka Minnesota ayaa waxaa horey ugu fadhiyey Xildhibaanada Phills Khan oo iyadu kursigaasi ku guuleystay 21 jeer oo hore, balse waxaa markii ugu horeysay haweenaydaasi uga guuleysatay Xisbigeeda Ilhan Cumar oo noqotay gabartii ugu horeysay oo Soomaali iyo Muslim ah oo tartankaasi ku guuleysata.

Doorashada guud ee dhici doonta bisha November ayaa lagu waday in labada xisbi ee Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga ku loolamaan kursigaasi waxaana si weyn loo saadaalinayey inay ku guuleysan doonto Murashaxad Ilhaan Cumar maadaama kursigaasi ay had iyo jeer ku guuleystaan xisbiga Dimuquraadiga. Balse Cabdimalik oo isagu ku biiray xisbiga Soomaalida ay ku yartahay ee Jamhuuriga ayaa ugu danbeyntii sheegay inuusan wakhti u heyn inuu loolan la galo Ilhan Cumar oo iyadu taageero xoogleh ku leh magaalada Minneapolis.

Cabdimalik Askar oo horey usoo noqday suxufi ayaa rajeenayey inuu xil siyaasadeed qabto walow uu ku biiray xisbiga Jamhuuriga oo aysan Soomaalida inta badan taageerin hadana rajadiisa ayaa ahayd mid aad u yar. Askar ayaa sheegay in hada uusan geli karin ololaha doorashada oo uu wakhtiga ku yar yahay maadaama uu weli dhigto Jaamacada isla markaana xaaskiisa ay tahay xaamilo, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Xisbigiisa Jamhuuriga.

Murashaxad Ilhan Cumar ayaa lagu wadaa in bisha November ay taariikh cusub dhigto maadaama ay noqon doonto haweenaydii ugu horeysay oo Muslim ah, Soomaali ah oo kasoo jeeda Afrika oo ku fariisata kursiga Baarlamaanka Minnesota oo ay markii ugu horeysay Soomaalida xubin ka heli doonaan.

Guusha-Ilhaan-1

Ilhan oo si fudud uga guuleysatay murashaxiitii kale ee kula tartamay gudaha xisbiga Dimuquraadiga sida Phills Khan iyo Maxamuud Nuur ayey hadana jireen dad Soomaali ah warar been ah saxaafada Maraykanka u geliyey si loo dilo rajada ay ka qabto doorashada soo socota, walow daacayadaha lagu furay gabadhaasi aysan noqon kuwo mira dhala.

Baarlamaanka Minnesota ayaa ka kooban 134 kursi oo ay xisbiyada ku tartamaan, waxayna wareega ugu danbeeya oo doorashada dhici doontaa 8da bisha November ee sanadkan, iyadoona dhamaan sanadkan kuraastaasi loo tartamayo.


Horseed Media