(August 28,2016) Venezuela iyo IRAN oo iska kaashanaya dhinaca ganacsiga Batroolka – VIDEO

Dowladaha Venezuela iyo IRAN ayaa sheegay in ay ka wada shaqeenayaan sidii loo xasilin lahaa ganacsiga bartool iyo qiimaha hoos u dhacay.

Qorshaha labadan dal isaga kaashanayaan dhinaca suuqgeynta batroolka ayaa waxaa magaalada Caracas ee caasimada Venezuela uga dhawaaqay Madaxweynaha dalkaasi Nicholas Maduro iyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee IRAN Maxamed Javad oo halkaasi booqasho ku tagay.

Labadan dal ayaa waxaa dhaawac weyn oo dhanka dakhliga ah kasoo gaaray hoos u dhac qiimaha batroolka, maadaama ay miisaaniyadooda ay si weyn ugu tiirsaneyd ka ganacsiga Batroolka ay labada dal soo saaraan.

Qiimaha hoos u dhacay ee batroolka ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay ka danbeyso Boqortooyada Sacuudiga oo iyadu diiday inay hoos u dhigto batroolka badan oo ay soo saarto isla markaana u suuq geyso caalamka, arrintan ayaa la sheegaa inay xiriir la leedahay xurgufta u siyaasadeed ee u dhaxeysa Sacuudiga iyo IRAN.

Sacuudiga ayaa doonaya inuu khasaare dhaqaale u horseedo IRAN isla markaana qiimaha batroolka ay ka dhigto mid aad u jaban si ay u yaraato lacagta suuqa batroolka kasoo geli doonta dowlada IRAN oo dhawaan laga qaaday cunaqabateyntii caalamiga ahayd oo saarneyd. Qorshahan ayaa sidoo kale la sheegaa in Maraykanka uu ku taageersan yahay isagoona doonaya in sidoo kale qiimaha hooseeya uu dhaawac u keeno dakhliga dowlada Ruushka oo iyaduna miisaaniyadeed 80% ku tiirsan tahay ka ganacsiga batroolka.

Macada wada shaqeyntan cusub oo ay ku dhawaaqeen Venezuela iyo IRAN inay wax ka bedali doonto go’aankii hore ee Dowlada Sacuudiga oo iyadu horey u diiday inay hoos u dhigto wax soo saarka batroolka, go’aankaasi oo ahaa kii sababay in lagu kala kaco shirkii ugu danbeeyey ee dalalka xubnaha ka ah OPEC ee batroolka soo saara oo horaantii sanadkan ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar.