(August 29,2016) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo difaacay howlgalada ciidamadiisa ka wadaan gudaha Turkiga

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa difaacay howlgalka ay ciidankiisa ka wadaan gudaha Suuriya.

Waxa uu sheegay in duulaankaasi uu dadka rayidka ah u sahlay in ay ku laabtaan deegaannada laga saaray ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.

Erdoğan ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Gaziantep, oo todobaadkii hore uu qof isqarxiyay uu ku dilay in badan 50 qof oo xaflad aroos ka qeybgalayay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Turkiga uu sii wadayo waxa uu ugu yeeray dagaalka ka dhanka ah ururada argagixisada ilaa iyo inta uu ka guuleysanayo.

Goor sii horreysayna, milateriga Turkiga ayaa sheegay in uu dilay 25 ka mid ah dagaalyahaniinta Kurdiyiinta ah ee ka dagaallamaya Suuriya.

Hasayeeshee kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in duqeymo ay geysteen diyaaraha Turkiga ay 35 qof oo rayid ah ku dileen waqooyiga Suuriya.