(August 31,2016) Masuul ka tirsan dawlada hoose ee Ottawa oo sheegay mamnuucida shiishadu inay liddi ku tahay dhaqanka

George Darouze oo ka tirsan dawlada hoose ee Ottawa dalka Canada halkaas oo Soomaali badan iyo Carab ay ku nool yihiin ayaa sheegay inuu asbuucaan qorsheynaayo inuu ka hadlo mamnuucida la mamnuucayo oo la qorsheeyay dhawaan shiishada.

Wuxuu masuulkaasi ku doodayaa in isticmaalka shiishadu yahay dhaqan laga isticmaalo Bariga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee Soomaalida ayaa baryahaan ayana aad u isticmaala in badan oo ka tirsan oo rag iyo dumarba leh shiishada oo looma kala harin in kastoo in badan dhaqaatiirta caafimaadku ka digeen inaysan sixada u rooneyn culimada diintuna kasoo horjeesteen.

Haatan ayaa masuulkaas ka tirsan dawlada hoose ee Ottawa uu sheegayaa in dhaqanka dadka kasoo jeeda Bariga Dhexe ay arintaasi ku tahay mamnuucideedu liddi iyo weerar dhaqankooda loo geystay.

George Darouze ayaa ahaa xbinta kaliya ee bulshada iyo guddiga adeegga ka hortagga ee kasoo horjeestay mamnuucida la qorsheeyay Khamiistii lasoo dhaafay.  Wuxuu sidoo kale qorsheynayaa inuu arinkaa mar kale ka hadlo Arbacada maanta ah oo guddiga lagu wado inuu soo saaro go’aanka kama dambeysta ah.

“Waxaanu ka hadlayno waa wax dhaqan ah ilamana ahan inay tahay inaynu mamnuucno,” sidaa ayuu yiri.

Guddiga Caafimaadka Dadweynaha ee Ottawa ayaa damacsan inuu mamnuuco shiishada gaar ahaan lagu cabbo meelaha dadku ku kulmo si qiiqa daroogadaa looga badbaadiyo.

Darouze oo kasoo haajiray Lebanon ayaa sheegay in shiishadu ka duwan tahay sigaarka sababtoo ah majiro qof aada maqaayad shiishad lagu cabbo hadii qofkaasi inuu shiishada soo cabbo uusan dooneyn.

Wuxuu sheegay inay arintaasi tahay hawl bulsho sida aaditaanka baararka oo kale. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu niyad jabay maadaama dad badan oo shiishada ka ganacsada aysan arinkaa ka hadlin.

Hadii qorshaha la ansixiyo mamnuucida waxaa la dhaqan galin doonaa 3da Abriil ee sanadka 2017.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Aug/wararka_maanta31-107371.htm#sthash.5sfbMMgn.dpuf