Baabuur dad salaadii ciidda ka soo dareeray ku jiidhay Ingiriiska

Baabuur dad salaadii ciidda ka soo dareeray ku jiidhay Ingiriiska 

Goobta shilku ka dhacayLahaanshaha sawirka .
Image caption Goobta shilku ka dhacay

Lix qof oo ay ku jiraan saddex caruur ahi ayaa dhaawacmay ka dib markii baabuur jiidhay dad badan oo ka soo baxayey garoon ku yaal magaalada Newcastle ee dalka Ingiriiska.

Caruurta dhaawacmay midkood ayaa la sheegayaa in dhaawa gaadhay culusyahay. Booliska Northumbria ayaa sheegay in shilkaas aan loo malaynayn inuu wax xidhiidh la leeyahay argagixisonimo.

Booliska ayaa sheegay in ay haweenay 42 jir xidheen oo ay gacanta ku hayaan.

Qof goob joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in haweenayd waday baabuurku ay xakamayn kari wayday gaadhiga, taasina ay tahay sababta shilka dadku ku dhaawacmeen keentay.

Boqolaal qof ayaa goobtaa iskugu yimid si ay ugu oogaan salaadda Ciidda Soonfureed oo ay Muslimiintu u dabaal dagaan dhamaadka bisha Ramadaan.