Baarlamaanka Puntland oo doortay dhamaan xubnaha u matali doona aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya – VIDEO

Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Garawe waxa ay ku doorteen xubnaha maamulkaasi ku talaya aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaraya 11-xubnood.

Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ay doorteen waxaa ku jira Siyaasiyiin caan ah ay ku jiraan Ra’usul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Siyaasiyiin kale.

Xubnaha Puntland ku matalaya aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa sidoo kale ku jira labo haween ah kuwaa oo kusoo baxay Doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Garawe

Halkan ka Aqriso Magacyada xubnaha Puntland ku matalaya Aqalka sare

1-Cumar C/rashiid Cali
2-C/raxmaan Maxamed Maxamuud (faroole)
3-Cabdirizaaq Cismaan Xasan (Juriille)
4-Farxaan Cali Daahir
5-Cabdisalaan Xaaji Maxamuud dheere
6-Mahad Daahir Shiikh Nuur,
7-Hodan Maxamuud Cusmaan
8-Bootaan Barre Samatar,
9-Maxamud Axmed Maxamud Mashruuc
10-Siciido Xasan Cismaan
11- Shukri Aadan Maxamed.