Barlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay sharciga cusub ee doorashooyinka Soomaaliya

Barlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay sharciga cusub ee doorashooyinka Soomaaliya
 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)-  Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhowayd ansixiyay Sharciga cusub ee doorashooyinka Qaranka heer Federaal ee Soomaaliya, kadib markii ay maanta dood culus ka yeesheen.

171 Xildhibaan ayaa u codeeyay sharcigaan oo ay soo diyaariyeen guddi hoosaad ka tirsan baarlamanka, hase yeeshee lagu sameeyay wax ka bedel markii la dhageystay aragtida xildhibaanada.

Maxaa loogu talo galay sharcigaan?

1. In lagu maamulo doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
2. In uu tilmaamo habraaca Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka;
3. In lagu hirgaliyo doorashooyin qof-iyo-cod ah oo xor iyo xalaal ah toos ah codkuna yahay qarsoodi kana maran cabsi gelin, loona maamulay si madaxbannaan, dhexdhexaad ah oo hufan.

Sida ku xusan sharcigan, madaxweynaha lasoo doorto ayaa raysal wasaarihiisa ka soo magacaabidoona xisbiga ku guulaysta kuraasta ugu badan aqlabiyadda Baarlamaanka.

Waxaa kale oo sharcigaan uu dhigayaa in doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal ay noqonayaan nidaamka metalaadda kuraasta Baarlaamanka ee aqlabiyadda ah, iyadoo ku salaysan halkii kursiba in gaarkiis loo dooranayo.

Sharcigaan ayaa hadda u gudbaya barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana haddii uu meel mariyo islamarkaana madaxweynuhu qalinka ku duugo uu noqonayaa sharci dhaqan gala.

Abdiweli M.sheikh, Hiiraan Online
abdiweli.sheikh@hiiraan.com