BBC Soomaali oo maanta telefishin cusub billaabeysa

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxay maanta billaabeysaa telefishin cusub. Barnaamijkan oo 15 daqiiqo ku billaabanaya ayaa noqon doona mid maalinle ah oo soo gali doona Isniin ilaa Jimce, waxuu ka hadli doonaa wararka gobolka kuwa caalamka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, cayaaraha iyo madadaalada.

Waxaa laga baahinayaa telefishinno maxalli ah oo lacag la’aan ah, isagoo ku siinaya warar dhexdhexaad ah, oo madax bannaan iyo akhbaar sugan iyo faaqidaad loo soo gudbinayo malaayiin Soomaali ah oo ku nool gobolka iyo caalamka.

Barnaamijka Telefishinka wuxuu kuu soo gudbinayaa aragtida caalamiga ah ee sida horumarka adduunku Soomaaliya u saameynayo – iyo sida dhacdooyinka gobolka looga arko caalamka intiisa kale.

Barnaamijka wuxuu ka faa’iideysanayaa shabakad sii kordheysa ee weriyeyaal jooga gobolka iyo waddamo dibedda ah sida UK iyo Mareykanka.

”Telefishinka London laga sii deynayo, wuxuu idin siinayaa warar isu dheeli tiran oo lagu kalsoon yahay iyo weriyanimada ugu fiican ee BBC oo lagu tebinayo qaab firfircoon oo xiiso leh”, ayaa lagu sheegay war saxaafadeed ay shaacisay BBC.

Waxaa laga daawan doonaa telefishinnada ay BBC-du wada shaqeynta la leedahay ee kala ah:

  • Horn Cable TV: 8 fiidnimo xilliga Geeska Afrika
  • Somali Broadcasting Corporation (SBC): 8 fiidnimo xilliga Geeska Afrika
  • Kalsan TV: 8 fiidnimo xilliga Geeska Afrika
  • Star TV Network: 9:45 fiidnimo xilliga Geeska Afrika

Waxaad sidoo kale si toos ah uga daawan kartaa Bogga BBC Somali

“Waa xilligii ugu habboonaa ee aan dhageystayaasheena u sameyn lahayn telefishin sababtoo ah Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxay sanadkan u dabbaaldegeysaa sanadguuradeedii 60aad. Ujeedadeennu waa inaan gaarno dhallinyarada iyo Soomaalida himilooyinka leh, kuwaasi oo qaab kordhaya wararka uga hela telefishinka, dijitaal-ka iyo warbaahinta bulshada, ayuu yiri Farxaan Maxamed Jimcaale oo tifaftire ka ah telefishinkan cusub.

 

Solomon Mugera, Madaxa BBC Afrika oo ka hadlay telefishinkan cusub ayaa yiri:

“BBC waxay ka jawaabeysaa rabitaanka dhageysteyaasha Soomaaliyeed. Sanado badan waxaan abuurnay dhageystayaal badan gaar ahaan Raadiya, waxaana ognahay in qaabka ay u helaan wararka uu isbeddelayo. Barnaamijkan wararka wuxuu soo gudbinayaa saxaafad ku saleysan shuruucdeena mudada dheer jirtay ee madaxbannaanida, xaqiiqda iyo warbixinno aan dhinacna xigsan.”

Telefhinkan cusub wuxuu qeyb ka yahay maaglgelinta ay BBC-du ku sameyneyso Afrika si wararkeeda ay u helaan dad badan oo ku nool qaaradda Afrika.