
Warsaxaafadeed ay kasoo saaree magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kaga dhawaaqeen odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Waqooyi in ay ka qeyb galayaan doorashada 2016 ee Soomaaliya ka socota. |
Xubno ay ka mid yihiin wasiirro, xildhibaanno, siyaasiin iyo odayaal ka soo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliya, kuna sugan magaalada Muqdisho ayaa iyagoo wadajira shir jaraa`id ka sheegay in wadatashi dheer kaddib ay go`aan ku gaareen ka qeybgalka doorashada dadban ee sanadkan 2016.
Suldaan Siciid Diiriye oo ku hadlay magaca Dir Waqooyi ayaa sheegay inay tixgalinayaan Go`aankii Madasha Wadatashiga Qaran ee Kismaayo lagu gaaray iyo Marxalada kala Guurka ah ee Hadda uu Dalku Marayo.
Wuxuu ka codsaday Guddiga Doorashooyinka Dadban in ay dedejiyaan doorashada labada aqal ee baarlamaanka ka soo galaya gobolada waqooyi ee dalka. Go`aankan ayaa yimid kaddib heshiis laga gaaray qaabka doorashada ee beelaha dirta Waqooyi kaddib is mari waa muddo 5 bilood ah ka taagnaa qoondada beelaha waqooyiga ee labada aqal ee baarlamaanka soo socda. |