
Beesha Shiikhaal ayaa ku dhawaaqday iney dibed joog ka tahay shirka maamul sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo mudooyinkan ka socday magaalada Jowhar.
Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha Beesha Shiikhaal ayaa waxay sheegeen iney taageersan yihiin Ugaaska beesha oo ay sheegeen inuu ka baxay shirka Jowhar.
Qaar ka mid ah odayaasha ka qeyb galay kulankan ayaa sheegay iney cadaalad daro badan ka tirsanayaan qaabka loo qeybiyey xildhibaanada Baarlamanka maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan, ayna ka soo horjeedaan tirada xildhibaanada loo qoondeeyey.
Waxgaradkan ayaa xusay iney beesha Shiikhaal ay degto degaano badan oo ka tirsan labada gobol, aysana u qalmin tirada xildhibaanada la siiyey, waxayna ka codsadeen dowlada iyo urur goboleedka IGAD in cadaalada loo laabto waxna laga bedelo habka wax loo qeybiyey.
Waxgaradka ka qeyb galay kulankan oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Xaaji Gurey, Suldaan C/qaadir Xaaji, Caaqil C/raxmaan Maxamed, Nabadoon Maxamed Xuseen Shiino iyo qaar kale ayaa waxay ugu dambeyn sheegeen ineysan ka soo horjeedin shirka labada gobol maamulka loogu sameynayo balse ay ka soo horjeedaan cadaalad darada.
Tan iyo markii la qeybiyey xildhibanada baarlamanka maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa waxaa soo baxaya beelaha qaar oo saluugsan qaabka wax loo qeybiyey.