Bilayska Jermalka oo baaraya wiil soomali ah oo dabaq iska soo tuuray..

Bilayska gobolka Thuringia ee dalka Jarmal ayaa baaraya eedeymaha ah in deriska wiil qaxooti ah ay ku dhiirigeliyeen inuu ka boodo dhismo dheer si uu u dhinto.

Wiilkan oo Soomaali ahaa ayaa ka booday daaqada dabaqa maalintii jimcaha ee magaalada Schmoelln.

Duqa magaalada Sven Schrade ayaa u sheegay idaacadda maxalliga ah MDR” Waxaan helnay warar sheegaya in qaar ka mid ah daawadayaasha ag taagnaa ay daawanayeen dhacdada in muddo ah iyagoo ugu yeedhay marki danbe inuu isa soo tuuro,” .

Bilayska maxalliga ah ayaa xaqiijiyay in ay baarayaan eedeemahaasi.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa la rumeysan yahay inuu qaadanayay daawayn dhimirka islamarkaana uu kontoroolka ka lumay ka hor inta uusan isdilin.

Si kasta oo ay tahayba duqa magaalada ayaa sheegay hadii la xaqiijiyo in ay run tahay in daawadayaasha ku dhiirigaliyeen wiilka dhalinyarada inuu soo boodo ay taasi noqoneyso arin aan”loo dulqaadan karin”.