Bilowga Tartanka Koobka Kubbada Cagta Ee Dugsiyada Cumar Binu Khadaab Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Boorama – VIDEO

Waxaa maalintii shalay ahayd si rasmi ah uga furmay garoonka weyn ee dooga ah ee lagu magacaabo Sport Village ee waqooyiga magaalada Hargeysa tartanka koobka kubbadda cagta ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Cumar Binu khadaab, waxaana furitaankii ciyaartan ka soo qayb galay maamulka sare iyo gudoonka sportiga dugsiga iyaga oo hadalo dhiiri galin ah halkaas ka soo jeediyay.

Ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay koobkan ayaa waxa ay dhex martay Fasalka Form Four A Vs Dhigiisa Form Three A , waxa ayna ciyaartaasi ku soo dhamaatay guushuna ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Fasalka Afaraad A Ee Dugsiga Sare kuwaas oo ku badiyay 2-1, waxa ayna ciyaartaaasi ku soo dhamaatay jawi degen.