Booliska Somalia oo markii ugu horeysay loogu deeqay dayuurado Drones ah – SAWIRO

Booliska Soomaaliya ayaa helay markii ugu horeysay dayuuradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin.

Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa Wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in diyaaradahan oo shan ah ay ugu deeqeen booliska Soomaaliyeed si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada ay maleegaan kooxaha argagaxisada wax loogu yeeray iyo sidii looga hortegi lahaa.

Saraakiisha booliska ayaa hadda loo tababarayaa sidii ay isticmaali lahayeen dayuradahan oo ah kuwo casri ah oo dhinaca basaasnimada loo adeegsado.