Booliska Spain oo isku gedaamay goobo loo asteeyay aftida Catalonia

Booliska Spain oo isku gedaamay goobo loo asteeyay aftida Catalonia

Qaar kamid ah shacabka gobolka Catalonia ee dalka SpainLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQaar kamid ah shacabka gobolka Catalonia ee dalka Spain

Dowladda dhexe ee dalka Spain ayaa sheegtay in ciidamada booliska ee dalkaasi ay isku gedaameen kun iyo seddex boqol oo xarumood, kuwaa oo loo asteeyay inay ka dhacaan aftida maalinta berita ah la filayo inay ka dhacdo gobolka Catalan ee dalka Spain.

Booliska dalka Spain ayaa sidookale weeraray xarrun isgaarsiin oo ay laheyd dowlad goboleedka Catalan. Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaalada dowladda Spain ay ku dooneyso inay ku joojiso aftida lagu murmay ee maalinta berita ka dhici doonto gobolka Catalonia ee dalka Spain.

Warbaahinta gudaha ee dalkaasi ayaa kusoo warrantay in booliska ay doonayeen inay kala furfuraan qalab loogu talo galay in lagu isticmaalo doorashada.

Mas’uuliyiinta gobolka Catalonia ayaa doonayay in xaruntaasi ay kamid noqoto goobaha codbixinta, hasayeeshee dowladda dhexe ee dalkaasi ayaa qorsheyneysa inay baajiso aftida dadka gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Spain inteeda kale.

Kumanaan ciidammada booliska ee dalkaasi ayaa loo daad gureeyay gobolkaasi, waxaana dowladda Spain ay sheegtay in aftidani ay tahay mid sharci darro ah.

Dhanka kale sharikadda Google ayaa tirtay app loo adeegsan lahaa in codbixiyayaasha Catalonia loogu tilmaamo goobaha codbixinta.

Dadka doonaya inay lasoo degaan app-kan ayaan hadda gobolkaa ka heli karin, balse kuwii horay ula degay ayaa adeegsan kara.

Sharikaddan ayaa sheegtay inay raacayso amar maxkamadeed.

Catalonia ayaa ah gobol qani ah oo ay ku nool yihiin 7.5 milyan oo qof, isla markaana leh luuqad iyo dhaqan u gaar ah iyo weliba ismaamul ilaa xad ah, balse dastuurka Spain ayaa dhigaya inuu ka mid yahay dalkaasi.