
Duqeyn aan loo meel dayin ayaa ayaa diyaaradaha dagaalka ku qaadeen goobaha ay kooxaha mucaaradka Siiriya maamulaan, waxaana ku dhintay in ka badan boqol qof oo shacab ah. Magaalada kale ee Xalabn oo mucaaradka ku sugan yihiin ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay 45 qof markii ay diyaarado loo maleynayo kuwa Ruushka ay duqeeyeen xaafadaha ay dadkaasi deganaayeen. kooxaha gurmadka ee magaalada ku sugani ayaa waxay sheegeen in diyaaradaha suuqa weyn ee magaalda Idlib duqeeyay ahaayeen kuwo Ruushku leeyahay, waxa xarunta la socodka xad-gudubyada xuquuqal insaanka ee Syria oo mucaaradka taabacsani sheegtay in ay adag tahay in si dhab ah loo xaqiijiyo dalka laga leeyahay diyaaradahaas. Duqeymahaan ayaa kusoo beegmay saacado uun kadib heshiis Mareykanka iyo Ruushka ay ka gaareen colaada Siiriya, laguna heshiiyay in la joojiyo duqeymaha. Duqeymahaan ayaa kusoo beegmay saacado uun kadib heshiis Mareykanka iyo Ruushka ay ka gaareen colaada Siiriya, laguna heshiiyay in la joojiyo duqeymaha. . .
|
|
|
|