C.Weli Gaas oo si kulul uga hadlay Dagaalka iyo Colaada Beelaha Gobolada Sool iyo Mudug u dhaxaysa.

C.wali Gaas oo si kulul uga hadlay Dagaalka iyo Colaada Beelaha Gobolada Sool iyo Mudug u dhaxaysa

 Dec 22, 2017

Garoowe  (Kalshaale) Madaxwenaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu ogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Buurtinle ee gobolka Nugaal, Wuxuuna sheegay in magaalada Buurtinle ay ka socoto mashaariic horumarineed kuwaas oo ay ka hirgelisey Xukuumaddu.

Dhinaca kale Gaas ayaa ka hadalay Colaada iyo dagaalkii Beelaha Mudug iyo Sool ku dhexmaray Deegaanka Gumburka Cagaare, Wuxuuna baaq u diray dadka shacab ka ah ee ay dhexmartay xurguftu, isla markaana waxa uu ku booreyey inay joo jiyaan dagaalka nabad iyo waaan-waanna kusoo dabaalan xaaladda hadda jirta.

” Runtii aan aad uga xunnahay dadkaa Soomaaliyeed ee dhintay. intii dhimatay Alle haw-naxariisto, inta dhaawaca ahna waxaan rajaynayaa in Alle u booga-dhayo, ka Puntland ahaanna waajib nasaaran weeye shacab kayaga markay dhibi gaadhto inaanu u nimaadno wixii shiddo iyo shar wadana aanu ka qabano, bulshadaa wada degan ee walaalaha ahna waxaan ugu baaqaynaa inay wanaag, ehelnimo, walaaltinimo ay kuwada deganaadaan, nabad kuwada noolaadaan nabad kuwada daaqaan “ ayuu yidhi Gaas.
” Waxaan ugu baaqayaa isimada, cuqaasha, nabadoonada, waxgaradka, culuma awdiinka reer Puntland meel kastay joogaanba inay u istaagaan xaaladdaa iyada ah deminteeda iyo dadkaa walaalaha ah isu soo dhowaan shahooda iyo dhibtaasi dhacday furdaaminteeda in loo istaago ayaan ku baaqayaa, waxaan kaloo ku baaqayaa in la joojiyo colaadda iyo xasaradda labada dhinacba inay joojiyaan, wixii dhib ah oo dhacayna ay intaa ku ekaadaan” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.