Cali Cabdalla Saalax iyo Xuutiyiinta oo dagaallamaya

Cali Cabdalla Saalax iyo Xuutiyiinta oo dagaallamaya

Labada dhinac waxay ahaayeen saaxiibbo ilaa iyo Arbacadii markii ay isku soo jeesteenLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionLabada dhinac waxay ahaayeen saaxiibbo ilaa iyo Arbacadii markii ay isku soo jeesteen

Hogaamiyaha fallaagada Yemen ee gacanta ku haysa Sanca, madaxweynihii hore ee waddanka, Cali Cabdalla Saalax, wuxuu TV u sheegay inuu doonayo inuu wadahadal la yeesho xulafada uu Sacuudigu horseedka ka yahay ee taageeraya dawladda caalamku aqoonsan yahay.

Wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay ‘in bog cusub la furo’ haddii isbahaysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ay xannibaadda ka qaadaan waqooyiga Yemen, ayna joojiyaan weerarrada.

Hadalkiisa ayaa yimid ayadoo maalintii 4aad ayuu dagaal kharaar ku dhex marayo magaalada Sanca xoogag isaga u daacad ah iyo dagaallamayaasha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto.

Dadka magaalada ayaa sheegaya in dagaal wadooyinka la isku eryanayo uu socdo, ayadoo labada dhinacna uu dareenku aad u kacsan yahay. Waxay kaloo sheegeen in qaraxyo laga maqlayo koofurta magaalada oo ay u badan yihiin qaraabada Cali Cabdalla Saalax.

Dagaalka ayaa billwoday Arbacadii markii taageerayaasha madaxweynihii hore ay ku eedeeyeen Xuutiyiinta inay jebiyeen dhismaha masaajidka magaalada ugu weyn.