Cali Cosoble oo Muqdisho u soo gaaray la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka

Cali Cosoble oo Muqdisho u soo gaaray la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka

by A M Saturday, Aug 19, 2017 

August 19 (Jowhar)— Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa galabta gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii afartii cisho ee la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Jowhar.

Sida ay sheegayaan wararka Cali Cosoble ayaa u Muqdisho u yimid la kulanka Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane, si uu ugu gudbiyo dacwad ka dhan ah dowladda Federaalka iyo in xil ka qaadistiisa ay aheyd sharci darro.

Cali Cosoble ayaa magaalada Jowhar gaaray maalin kaddib markii Xildhibaanada Hirshabeelle xilka ka qaadeen, waxaana dadaalo uu waday afartii cisho ee la soo dhaafay uu ku guuldareystay inuu kasbado Xildhibaanada, iyadoo xildhibaanadii taageersanaa ay ku biireen xildhibaanadii kale ee xilka ka qaaday.

Qoraal ku qornaa afka English oo uu u qoray wakiilada beesha Caalamka ayuu ku tilmaamay tallaabadii Baarlamaanka inay aheyd afgambi siyaasadeed oo ay ka dambeysay dowladda Federaalka, gaar ahaan waxaa uu Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshihii xilka looga qaaday.

Imaanshaha Cali Cosoble ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya, iyadoo shalay uu Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la sheegay inay u yeertay Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin mowqifka ay ka taagan tahay xil ka qaadistii Cali Cosoble iyo xiisada siyaasadeed ee Hirshabeelle, iyadoo Wasiiro ku baxay arrintan aysan wali wax war ah ka soo saarin waxyaabihii ay kala soo kulmeen dhinacyadii ay kula kulmeen magaalada Jowhar.