Cali Guray Oo Siilaanyo Ku Cadeyey,,Wadamada Reer Yurub Xiiso Uma Qabaan La Kulanka Siilaanyo,,- VIDEO

Gudoomiye ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID Cali Gureey oo Maanta Wariyaasha kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay Socdaal Madaxweynaha Somaliand uu ku tagay Dalka Ingiriiska Gaar ahaan Magaalada London.

Cali Gurey ayaa sheegay in Socdaalkaasi uu yahay mid micno Daro ah oo aanu waxba soo kordhineeynin islamarkaasina aanu faa’iido ugu jirin Somaliand.

Waxa uu sheegay in Aanay Wadamada reer Yurup Soo Dhoweeyneeynin islamarkaasina aanay la kulmeeynin baahina u qabin in ay la kulmaan Siilaanyo.

Waxa uu Sheegay in kale ah Arimaha Kulmiye iyo Musharxnimadooda ay u tageen Wadanka Ingiriiska laakiin aanay jirin Arimo Kale.