
Bulshada Khaatumo ayaa waxaa la yaab ku noqotay Qodobadii maanta kasoo baxay magaalada Hargeisa, Kuwaasi ay sheegeen inay gaadheen maamulka Khaatumo iyo Somaliland.
Qodobada ayaa waxaa dhamaantood Diirada lagu saaray oo looga hadlay oo keliya Magaalada Buuhoodle, Iyadoo lagu sheegay inay Xaalad ka jirto, taasi oo ah mid been ah, Sidoo kale waxaa lagu sheegay inaan shir lagu Qaban karin buuhoodle ! Waxaa eedaymo aan loo meel dayin Dusha looga Tuuray Dawladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland, Sidoo kalana waxaa lagu sheegay inaan diyaarad kasoo degi karin Buuhoodle !.
Hadaba waxaa is waydiin mudan Maamulka Iyo Madaxda Khaatumo Maxaa waxaa loo doortay inay Cadowga kusoo Hogaaminayaan Dhulkoodii, Iyadoo Weliba ay ka tageen Xili uu Dhiiga dadkoodu daadsanaa, Iyadoo ay ku Haboonayd inay qayb ka noqdaan Nabadayntii deegaanka.
Maamulka Khaatumo ayaa u Muuqda maalinba maalinta ka dambaysa mid sii Qaadaya Tallaabooyin uu ku Luminayo taageerada Shacabka, Waxaana Mudooyinkii ugu dambeeyay lagu dhaliilay madaxda Khaatumo inay Baal-mareen wixii loo doortay, waxaana Xusid mudan inay Xubnaha maamulku ay Baal-siibeen Dhamaan dadkii ka tirsanaa maamulka ee Fikradaasi ka hor yimid.
“Qodobada Hargeisa kasoo baxay waxay muujinayaan inuu Maamulka Khaatumo Qayb ka noqon doono Weerar Dhiig badan ku daato oo Somaliland ay kusoo Qaado Buuhoodle, waxayna Dhalinayaan Tuhun Fara badan” ayuu yidhi Khabiir ka Faalooda Arimaha deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Kalshaale.com .