Ciidamada amaanka Puntland oo xalay Gacanta Ku Dhigay Gaari ay Saaran Yihiin Waxyaabaha Qarxa

Ciidamada ammaanka ee dowladda Puntland  ayaa Xalay gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo 5 nin oo watay, kaasi oo ay booliisku sheegeen in loogu talagalay in lagu qarxiyo xarumo ku yaal Magaaladda Bosaso

Qabashada waxyaabaha qarxa iyo gaariga  Ayaa ka dambeysay kadib markii ay Ciidamada 24 saac ee la soo dhaafay ay   howlgalo ballaaran ka sameeyeen gudaha iyo hareeraha  magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka bari

Taliyaha ciidanka Madaxtooyda Puntland cabdirashiid Cabdiraxmaan Ismaaciil  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay heleen xog la xiriirta  qaraxyada oo lagu diyaariyay saddex fuusto oo loogu talagalay saddex gaari oo la doonayay in lagu qarxiyo saddex bartilmaameed oo muhiim.

Taliska Booliiska gobolka weli faahfaahin dheeraad ah kama bixin qaraxyada iyo rag waday ee ay qaybteen iyo kooxda ay ka tirsan yihiin iyo xarumaha loogu talagalay in lagu qarxiyo.

Horseed Media 2017