
Dowlada Talyaaniga ayaa sheegtay in howlgal balaaran ay sameeyeen Ciidamada ilaalada Badda ee dalkaasi lagu soo bad baadiyay kumanaan Tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaa oo ka shiraacday xeebaha Liibiya kuna sii jeeday Talyaaniga.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sameeyay in ka badan 30-howlgal saacadihii lasoo dhaafay, waxa ayna Ciidamada soo bad baadiyeen dad ka badan 10-kun oo Tahriibayaal ah kuwaa oo qaarkood doonyihii ay saarnaayeen ay ciladoobeen.
Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa bad baadiyay kumanaan dad ah ay ku jiraan Caruur iyo Haween, waxaana dadkan qaarkood ay ku safrayeen doonyaha cinjirka ka sameesan halka kuwa kalana la socdeen doonyo tankoodii la dhaafiyay ciladna ku timid.
Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa sidoo kale helay Meydadka 28-qof oo Badda ku geeriyooday kadib markii ay la degtay doontii ay saarnaayeen, Ciidamada ayaana Meyaddka iyo dadkii ay bad baadiyeen geeyay Xeebaha Talyaaniga.
Tahriibayaasha la bad baadiyay iyo kuwa Meydadkooda la helay ayaa u badnaa kuwa ka tagay Wadamo kuyaala Qaarada Afrika, waxaana lasoo sheegayaa in dad Soomaali ah ay ku jireen Tahriibayaashaasi.