Ciidamada Jubbaland oo soo bandhigay Rag Shabaab ah oo howlgal lagu soo qabtay..

Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, waxa ay ku soo bandhigeen rag ka tirsan Ururka Al Shabaab oo howlgal ciidanka ay sameeyeen lagu soo qabtay.

Ciidanka ayaa soo bandhigay saddex nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo la sheegay Shabaabka inay u qaabilsanaayeen aasida Miinooyinka loo adeegsado Qaraxyada gaadiidka.

Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay raggaan ay soo qabteen inay ku sameynayaan baaritaano dheeri ah.

Mid ka mid ah ragga ay soo qabteen ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inuu yahay Itoobiyaan, islamarkaana baaritaan dheeri ah lagu sameyn doono.

Qaar ka mid ah ragga ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen, ayaa sheegay inay SHabab muddo ka tirsanaayeen, islamarkaana shaqooyin kala duwan ay soo qabteen.

147374882919c5c.jpg

147374883017108.jpg