Ciidamada Jamhuuriyada Somaliyeed oo Weeraray Saldhig Shabaab leeyahay

Ciidamada Somalia oo Weeraray Saldhig Shabaab leeyahay


Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa lagaga hadlay weerar lagu qaaday saldhig tababar oo ururka al Shabaab ay ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Saakow ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan ay fuliyeen ciidamada Soomaalida ee sida gaarka ah u tababaran oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga ah, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhigan oo ahaa goob tababar, waxaa qoraalka ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in hawlgalkaasi u dhacay si guul ah, isla markaana lagu burburiyey Taliskii Shabaab iyo weliba isku xidhkii sahayda.

Qoraalka Madaxweynuhu soo saaray ayaa lagu sheegay in tani ay si weyn u dhaawacayso awooddii ururka al-Shabaab u yeelan lahaa inuu weeraro cusub ku qaado meelo ka mida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrinta amnigu ay mudnaanta koowaad u tahay xukuumaddiisa, isla markaana weerarkani uu kor u qaadayo ammaanka, hoosna u dhigayo weeraradii ururka Shabaab.