Ciidamo ka tirsanaa Milateriga Turkiga oo iska dhiibay Jarmalka

Ciidamo ka tirsanaa Milateriga Turkiga oo iska dhiibay Jarmalka

by A M | Thursday, Nov 17, 2016 |

November 17 (Jowhar)— Ciidamo ka tirsan Milateriga Turkiga ee ku sugnaa Xarunta NATO ee dalka Jarmalka ayaa weydiistay magangalyo weydiistay dalkaas.

Ciidamadan ayaa ku sugnaa saldhig ku yaala Koofur galbeed dalka Jarmalka, waxaana qeyb ka ahaayeen Ciidamada Turkiga ee qeybta ka ah Gaashaanbuurta NATO.

Lama sheegin tirada askarta is dhiibtay, iyadoo arrintan ay sii xumeyneyso xiriirka labada dal ee  Jarmalka iyo Turkiga oo tan iyo markii uu dhacay afgambiga sii xumaanayay

Turkiga ayaa xiray kumannaan ka mid ahaa shaqaalaha dowladda ka dib markii uu dhacay afgembigii fashilmay bishii July.

Turkiga ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamadiisa ay xubno ka yihiin Gaashaanbuurta NATO.