Ciidanka Jubbaland oo dib ula wareegay deegaanka Sanguuni

Madaxweynaha Jubbaland Axmad Maxamad Islaam ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanada Gosha ee waqooyiga Kismaayo, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay howl galo ka socdeen.

Axmed Madoobe ayaa tagay deegaanadii u dambeeyay ee Ciidamada kala wareegeen Al-Shabaab, waxaana uu ku booriyay inay u dhabar adeegaan hal ganka ay ku jiraan.
Madaxweytnah Jubbaland Axmad Madoobe ayaa sheegay in wax walba oo taakulo ah loo dhammeystiray Ciidamada, isla markana hadda ay si hagar la’aan ah u gudanayaan howshii loo igmaday, waxaana uu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada laga saarayto Al-Shabaab in ay Ciidamada soo dhaweeyaan oo ay garab istaagan.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegaanka Sanguuni iyo deegaanada ku dhow-dhow, waxaana jimcihii la soo dhaafay deegaanka Sanguuni lagu dilay Askari Mareykan ah, halka afar kale lagu dhaawacay, kadib weerar duqeynah oo lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha Jubbland Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu dib ugu celiyay Ciidamadii ka soo baxay deegaanka Sanguuni, kadib markii maalmihii la soo dhaafay weeraro kale kulmeen Al-Shabaab.