Cismaan Barre Maxamed oo ku guuleystey doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle – SAWIRO

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa caawa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay ku doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirhabelle Mudane Cismaan Barre Maxamed .

Hoolka Doorashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Soomaaliya .

Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Odawadaa oo ka hadlay Munaasabada doorashada ka dhacday ayaa ugu horey u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle, waxa uuna ku amaanay waxgaradka iyo Ergadada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe dulqaadka ay u yeesheen dhismaha maamulka Hirshabelle.

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari oo isna u hambalyeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, waxa uuna Jawaari sheegay in uu marqaati ka yahay in si cadaalad ah ay u dhacday Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Ugu Dmabeyn waxaa Hoolka lagu dhaariyay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Mudane Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo caawa ku guuleestay in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshaelle.