Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa soo saaray maanta warsaxaafadeed uu ku sheegay in aysan jirin dacwad sharci ah oo lagu haysto, waxaana uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka in uu ku soo oogayo dacwad siyaasadeysan.

War Saxaafadeedkan oo ku taariiqeysan 2da bisha Janaayo 2018, ayaa waxa ay ku soo beegantay maalin kahor xilli ay Maxkamada Racfanka gobolka Banaadir ay u qabatay in la dhagaysto dacwada taasoo xeer ilaalinta qaranka racfaan ka qaadatay go’aan hore uu u gaaray guddoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa 21kii bishii December waxa uu amray in la sii daayo Cabdiraxmaan Cabdishakur oo xilligaa damaanad ku joogay banaanka waxana uu xukmiyay in aan racfaan laga qaadan karin dacwada loo haystay siyaasiga.

“Xeer Ilaaliyaha isagoo gacan ka helaya madaxda ugu sareysa dalka oo adeegsanaya awooda xafiiskooda ayuu farogelin ku sameeyay garsoorka wuxuuna horistaagid ku sameeyay dhaqangalka go’aankii maxkamada guddoomiyaha gobolka ee 21kii December 2017.”ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsaxaafadeedka uu soo saaray maanta.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay weerar ay ciidamo ka tirsan amniga ku qaadeen hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakur 17kii bishan taasoo lagu diley shan ruux oo uu sheegay inay ahaayeen ilaaladiisa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa 21kii bishii hore waxa uu kalsoonida kala noqday saddex qareen oo uu hore ugu wakiishay inay difaacaan, waxana uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay inaysan jirin cid uu u wakiishay