Cumar Cabdirashiid oo gaarey Baydhabo

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa kulan gaar ah la qaatey Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Adam, kulankaas oo ahaa mid aan saxaafaddu goob joog ka noqon. Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.

Raysalwasaaraha ayaa warar kulanka ku dhaw sheegayaan in uu kala hadley Shariif Xasan sida ay u socoto doorashooyinka aqalka hoose iyo weliba istraatiijiyadda Doorashooyinka soo socda.

Cumar Cabdirashiid ayaa malintii shalay ka duuley Gaalkacyo kadib markii uu ku guuleystey deminta colaadda Gaalkacyo isla amrkaana ciidamadii la kala qaadey.