Cumar C/rashiid “Dib u eegis ayaa lagu sameynayaa nidaamka Federaalka, hadii….”

Cumar C/rashiid “Dib u eegis ayaa lagu sameynayaa nidaamka Federaalka, hadii….”

by A M | Sunday, Nov 13, 2016 |

November 13 (Jowhar)— Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono nidaamka Federaalka Federaalka, hadii ay la xiriirto colaada ku soo laabaneysa magaalada Gaalkacyo oo ay labadeeda qeyb ka kala taliyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Cumar C/rashiid oo shalay ka hadlayay kulankii is afgaradka ahaa ee dhex maray Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in aan loo baahneyn colaad dambe iyo xabad kale oo ka dhacda Gaalkacyo.

“Sideedaba waxaa is dhaheynay nidaamka Federaalka dadka waa ku dagayaa, laakiin hadii Federaalka uu xabad iyo dhib keenayo inaan iyada dib u fiirino waaye”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisu dhamaaday ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug inay xakameeyaan ciidankooda, isla markaana aanay jirin ciidan saddexaad oo ku sugan magaalada.

“Meeshaan ma jiro ciidan saddexaad oo aan qofna koontaroolin oo meesha wax ka sameyn kara, ciidamada hubka heysta Puntland iyo Galmudug ayay ka tirsan yihiin, iyagana waxa laga rabaa inay muujiyaan xakameyn buuxda, meeshan in aysan xabad ka dhicin. sideedaba dowlad goboleed shacab ma ahan, caadifad kuma dagaalamaan, hadaf ayuu leeyahay dagaalka dhacaya in mar kasta laga taxadaro waaye”ayuu mar kale yiri Cumar C/rashiid.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug sanad kaddib ku kulmeen magaalada Gaalkacyo, kaddib dagaalo todobaadyo ka socday, waxaana labada dhinac ay mar kale adkeeyeen heshiiskii magaalada Abu Dhabi ee xabad joojinta magaalada.