Daacish oo laga qabsaday masajidkii Al-Nuri ee ay hore uuga dhawaaqeen dawlada islaamiga

Ciidamada nabad gelyada Ciraaq ayaa dib uga qabsaday mitidiinta kooxda la baxday Dawladda Islaamka goobtii uu ku yaallay masaajidkii la dumiyey ee Al-Nuuri ee magaalada Mosul.

Weriye ka tirsan BBC-da oo la socda ciidamadaa ayaa sheegay in ay goobta weli hoobiyeyaal ku soo dhacayaan.

Mitidiinta ayaa todobaadkii hore qarxiyey masaajidka iyo minaaradiisii qadiimka ahayd ee yara janjeedhay.

Isagoo erayo quudhsi ah ku duraya kooxdan jihaad alooska ah, ayaa Ra’isal Wasaare Xaydar Al-Cabbaadi wuxu sheegay in qabsashada goobtaasi tahahay “bilowgii dhamaadka dawladda beenta ah ee Daacish”.

Waxa kale oo uu yidhi “hadhsan mayno, xoogagayaga geesiyada ahina guul bay soo hoyn doonaan” waxaanu hadalkaa ku sii daray ” waanu wadi doonnaa dagaalka aanu Daacish kula jirno ilaa kooga ugu dambeeya qudha laga jarayo ama inta la qabto cadaaladda la hor keenayo”.

Masaajidka la dumiyey wuxu muhiimad magac ah u leeyahay labada dhinac ba, sababta oo ah waa halkii markii ugu horraysay uu dadka kala hadlay Abu Bakar Al-Baqdaadi maalmo uun ka dib markii kooxdan jihaad alooska ahi kaga dhawaaqday “Khilaafada” saddex sanadood ka hor.

Mitidiintu haatan waxay dib ugu gurteen meelo kale oo ka tirsan Ciraaq iyo dalka ay deriska yihiin ee Suuriya, halkaas oo dagaalyahannada Kurdiyiinta iyo Carabta ah ee ay Maraykanku taageerayaan iyaguna go’doomiyeen magaalada Daacish gacanta ku hayso ee Raqqa.