
Salaadiinta hogaanka dhaqanka Awdal oo ku gacansaydhay inay tagaan goob lagu taageerayay go,aankii Siilaanyo ee kala qaadista doorashooyinka,Badhasaabka Awdal Shiine oo ka amrqaadanaya guriga Madaxtooyada ayaa soo abaabulay odayaal suuqyada iska joogay dhalinyarona u dhiibay lacag 20 dolar ah ciddii taageerta Go,aankii Siilaanyo warbaahintana soo horjoogsada lagudoonsiin doono maalin qayilkiisa taasi oo odayaashii ka dareereen hoolkii shirkaasi lana hadleen Boramanews cadeeyeena inay waxba ka ogoyn waxa loogu yeedhay balse ayna aqbalaynin.Salaadiinta Galbeedka ayaa meeshaasi midna soo xaadirin isla markaana go,aan ka qaatay doorashada Somaliland dhawaana la filayo inay warbaahinta usoo bandhigaan.