Daawo Muuqaal: Maxaa kala Qabsaday Nabadoon Reer Puntland ah iyo Faysal Cali Waraabe “Arintii Boorame” (Video)

Nabadoon  Yaasiin oo kamid ah waxgaradka  Puntland ayaa ka hadlay Hadal kasoo yeedhay  Faysal Cali Waraabe.

Faysal ayaa si gaar ah uga hadlay Ardayda Soomaaliyeed ee waxbarta magaalada Boorame,   Wuxuuna Nabadoonku sheegay inay tahay wax lala yaabo,  Ardaydaasina halka ay joogaan ay tahay magaalo Soomaaliyeed, dadka kasoo jeeda Boorame ee Puntland joogana aysan cidi eegi karin, Wuxuuna sheegay inuusan Filaynin in Reer Boorame Iyagoo jooga dad marti ku ah lagu dhibaatayn karo, Wuxuuna ugu baaqay shacabka Awdal inay Arintaas ka digtoonaadaan.