Daawo Muuqaal “Qaabkii ay ula wareegayn Dagaalyahanada Daacishta Soomaaliya Deegaanka Qandala ee Maamulka Puntland”- VIDEO

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahanadii katirsanaa Daacishta Soomaaliya ay shalay la wareegay Deegaanka Qandala oo Qiyaastii 75-km u jirta Magaalada Boosaaso ay saakay halkaasi isaga baxeen 

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalyahano ku dhaw 100-nin oo aad u hubeesan in ay soo gaareen Deegaanka Qandala lana wareegeen, dagaalyahanadan ayaa ka baxay deegaanka iyaga oo dib ugu laabtay halkii ay ka duueen .

Dagaalyahano katirsan Daacsh ayaa ka dagaalama qeybo kamid ah Deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari, waxaana dagaalyahanadan hogaaminaya Sheekh C/Qaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab balse markii dambe ka baxay beycona la galay Ururka Daacish.