Daawo Sawirro: Madaxweyne Xasan oo xalay kulan isugu yeeray taliyeyaasha ciidanka dowlada & AMISOM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caawa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira amaanka.

Kulanka ayaa Waxaa goob-joog ahaa Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Safiirada dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo kulanka Cashada ah kadib hadal dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada, ayaa faray in la xoojiyo howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday shirka Bisha Septembar ay martigalin doonto Soomaaliya, kaasoo uu xusay in lagu qiimeyn doono xaaladda Ammaanka iyo isabadalka dhinaca horumarka ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ay sugaan ammaanka goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago isku day kasta oo lagu doonayo in lagu carqaladeyo ammaanka.









Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com