Qodobo Hor dhac ah Oo Laga soo saaray Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran

Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa weli si habsami leh uga socda Muqdisho, iyadoo la rajeynayo in beri si rasmi ah loo soo afjaro.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirku uu ku tallaabsaday horumar la xiriira dedejinta arrimaha doorashada lagu wado inay sanadkan ka dhacdo Soomaaliya.

Qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mid ah meel marinta miisaaniyadda doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee gobolka Banaadir, iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.

Sidoo kale waxaa la isku afgartay in deg-deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyo in si buuxda loo taageero hawlaha guddiga doorashada ee heer federaal oo xil weyn iska saaray sidii doorashadan ay u najixi lahayd.

Ugu dambeyn waxaa la filayaa in gaba-gabada shirka laga soo saaro war murtiyeed qeexaya qodobada la isku afgartay.