Daawo : Xaalada Liibiya oo Weji Cusub yeelatay Markii Turkigu ku biiray & Carabta oo Shir degdega ku baaqday

Waxaanu halkan idiinku soo  gudbinaynaa Warbixin ku saabsan u Jeedoyinka ka dambeeya baaqa ururka jaamacadda carabta ee qabashada kulan degdeg ah oo ku saabsan xaaladda Dalka Liibiya, xilli ay wax iska bedeleen furimahii hore ee dagaalka liibiya Iyo Turkiga oo ku celiyey inay ka go’an tahay taageeridda xukuumada Tripoli.H

Ciidamada Xukuumadda dib u heshiisiinta Qaran ee Liibiya ayaa yeeshay kelmadda sare ee aaggaga furimaha dagaalka ee duleedka Tripoli sida uu caddeeyey sarkaal milateri oo liibiyaan ah oo Warbaahinta la hadlay.

Sarkaalkaa oo intaa ku daray in ay ciidamada General xaftar haatan bilaabeen inay galaan xaalad difaac ah halkii ay hore weerarka ka ahaayeen, iyadoo xaaladda ka taagan furimaha dagaalka ee ku toosan deegaanada salaaxadiin iyo Rumaylah ay muujinayaan inay difaac galeen ciidamadii isbaahaystay ee uu hrkacayey general xaftar, iyadoo ay xaaladda halkaa ka jirtaana haatan si dhammaystiran  isu bedeshay marka loo eego maalmihii dhowaa ee ina dhaafay, meeshana ay ka baxday cabsidii laga qabay inay ciidanka xaftar ku soo siqaan dhanka caasimadda.

Dawladda Turkiga ayaa Qorshaynaysa inay Ciidamo gayso dalkaasi Liibiya, Waxaana Liibiya is waydiisay waxa jaamacadda Carabtu kulan u qaban wayday Xiligii hore, Balse maxaa kusoo beegay hada markii ay Xaaladu isbadashay.

Jaamacadda Carabta ayaa shirka degdega ah raacisay inay kasoo horjeedo Faragelinta shisheeye ee Liibiya, iyadoo la ogyahay inay horay Dalalka Carabtu u farageliyeen xaalada Liibiya.