Dad ku dhintay qaraxyo ka dhacay waqooyi beri Nigeria

Wararka ka laga helayo dalka Nigeria ayaa sheegaya in dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa ay ku dileen in ka badan tobannaan qof laba weerar oo kala duwan nawaaxiga magaalada Maiduguri.

Ma jirto Koox sheegatay in ay geysatay weerraradan, balse magaaladan Maiduguri waxa si joogta ah u bartilmaameedsada kooxda Boko Haram.

Sarkaal ka tirsan booliiska Nigeria ayaa sheegay in weeraradu ay ka dhaceen xero ay ku jiraan dad ka soo cararay colaada ay waddo maleeshiyaadka kooxda Boko Haram.

Ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa ku barakcay sabab la xiriira halista kooxdan Boko Haram ee magaalada Maiduguri.