Dagaal Culus oo Saaka ka socda Magaalada Gaalkacyo

Dagaal Xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Saaka waxuu ka socdaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa waxuu ka qarxay Xaafada Garsoor kadib markii Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Maamulka Puntland la soo dhoobay meel ku dhow Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Maamulka Galmudug.

Dagaalka Maanta Ka Socda Magaalada Gaalkacyo Ayaa Salka ku Haya Seelad Ari oo Puntland Dooneyso in Laga Dhiso Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo,

Goobta Laga Dhisayo Seelada Ariga Ayaa Lagu soo Waramayaa in ay u Dhowdahay Goob Dhawaan Maamulka Galmudug Laga Diiday in Ay ka Dhisaan Saldhig Ciidan Taasi oo ka Tanaasuleen,

Weli lama shaacin khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi, maadaama uu weli socdo.

Kala soco waxii ku soo kordha www.awdalstate.today hadii Alla Idmo